Iskudhacyo ka dhacay Bangladesh oo lagu dilay in ka badan 8 qof

Waxaa ilaa iyo hadda la xaqiijiyay dhimashada ugu yaraan sideed qof kaddib isku dhacyo laga soo tabiyay xerooyin ay ku jiraan qaxootiga bulshada Rohingya ee Koonfurta wadanka Bangladesh.
Wararka ayaa intaa ku daraya in maalmihii la soo dhaafay ay dagaaladu kumanaan qof oo kale ku barakaceen.
Saraakiisha ammaanka iyo shaqaalaha gurmadka ayaa laga soo xigtay inay dagalameen kooxo hubeysan oo iska soo horjeeda.
Ciidamada ayaa warbaahinta u sheegay inay xireen 12 qof oo lala xiriirinaya inay ku lug leeyihiin dhibaatooyinka ka jira xeryaha qaxootiga ee Bangladesh.
Laamaha amaanka ayaa xusay in rasaas la isku adeegsaday , goobo la gubay sido kalena koox dabley lagu tilmaamay ay afduub gaysatay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here