Iskuduwaha ammaanka ee waqooyi bari oo u digay taagerayaasha Al-Shabaab

Iskuduwaha ammaanka ee gobolka waqooyi bari Nicodemus Ndalana ayaa digniin adag u diray cid kasta oo taageero u muujiso Al-Shabaab .
Xilli uu ku sugnaa deegaanka Khorof Xaraar ee ismaamulka Wajeer ayuu sheegay in dowladda ay shakhsiyaadkan tallaabo adag ka qaadi doonto.
Mr. Ndalana ayaa xusay in dowladda ay cadow la mid ah Al-Shabaab u aragto qof kasta oo la shaqeeya argagixisada sidaas awgeedna isku si loola dhaqmaya.
Dhanka kale waxaa uu u mahadceliyay shacabka laamaha ammaanka u soo gudbiyay xog ku saabsan waxyaabaha ay ka shakiyaan taasoo fududeysay in laga hortago weeraro qorshaysnaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here