Iskuduwaha Maaliyada Gobolka Hiiraan oo Xilkii laga qaaday.

Wasiirka Maaliyada Maamulka Hir-Shabeelle ayaa Xilkii ka qaaday Isu duwihii Maaliyada ee Maamulka Gobolka Hiiraan Maxamed Cabduqaadir Maxamed,isagoo Xilkaasi u Magacaabay mas’uul kale.
Wareegto kasoo baxday Xafiiska wasiirka ayaa waxaa xilka isu duwaha Maaliyadda Gobolka Hiiraan loogu Magacaabey Cabdiweli Maxamuud Xuseen waxaana Xilkaas laga Qaaday Maxamed C/qaadir Maxamed oo Waxar loo yaqaano.
Dhanka kale Wasiirka Amniga maamul Goboleedka Hir-Shabeelle Cabduqaadir Aadan Jeelle oo ay wehlinayeen saraakiisha qeybta 27aad ee Ciidamada xoogga dalka ayaa waxaay Maanta si wadajir ah u dhagax dhigeen dhismaha Saldhig Ciidan oo gobolka Hiiraan laga dhisayo.
Saldhigaan oo laga hirgeliyey duleedka Galbeed ee Magaalada Baladweyne ayaa waxaa ku Shaqeyn doono Ciidamo katirsan Millateriga Soomaaliya,oo howlgallo kala duwan ka sameyn doono Gobolka Hiiraan iyo deegaanada ku dhow dhow.
Taliyaha Guutada 5aad ee Ciidanka Xooga dalka Soomaaliya Korneyl Faarax Cali Waasuge ayaa ka mahadciliyay dhisida xurunta cusub ee Ciidamada,isagoo sheegay in Ciidamada ay u diyaarsan yihiin fulinta howlgallo ka dhan ah dagaalameyaasha Al-Shabaab.
Abaanduulaha qeybta 27aad Janeraal Saalax Yacquub ayaa dhankiisa sheegay in wax badan ay xuruntaan ka qaban doonto arrimaha amniga magaalada Beledweyne ee xarunta Goblka Hiiraan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here