Iskuduwaha waqooyi bari oo sheegay in amniga si weyn loo adkeeyay

Iyadoo maanta guud ahaan dalka uu si rasmi ah uga billowday imtixaanka KCSE-da ayuu iskuduwaha dowladda dhexe u qaabilsan gobolka waqooyi bari Maxamad Biriq sheegay in ammaanka si weyn loo sugay oo wax dhibaato ah aynan jirin.
Waxaa uu carrabka ku dhuftay in kastoo roobabka da’ay awgeed ay waddooyinka qaar xirmeen dowladda ay diyaar u tahay in warqadaha imtixaanka la gaarsiiyo deegaanada ay saameynta soo gaartay iyadoo diyaarado la adeegsanaya.
Mr. Biriq ayaa sheegay inaynan rajeyn inuu dib u dhac ku yimaado qeybinta warqadaha ay ku qoranyihiin su’aalaha ay ardaydy ka jawaabayaan.
Xilli uu ka hadlayay sida loo sugay ammaanka gobolka ayaa waxaa hadaladiisa ka mid ahaa
Imtixaanka KCSE-da ee sannadkan waxaa ismaamulka Garissa ku sameynaya arday tiro ahaan dhan ilaa lix kun iyo lix boqol sida uu idaacadda Star FM u faahfaahiyay Khalif Shekh Isaaq oo ah madaxa wasaaradda waxbarashada dalka xafiiskeeda dowlad deegaanka Garissa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here