Iskuulada dalka Koonfur Afrika oo dib loo furay

Waxaa maanta oo Isniin ah dib loo furay iskuulada dalka Koonfur Afrika iyada oo ay dalkani xayiraad saarnayd.
Tallabadan ayaa qayb ka ah amarka sida tartiib-ta ah loogu khafiifinayo xayiraadaha saaran dalka oo lagu xakameenayo faafitaanka cudurka COVID-19.
Dib u furka dugsiyada ayaa hakad galay ka dib markii isbuucii hore ay ururada waxbarashada ugu baaqeen barayaasha inay guryahooda joogaan.
Dalka Koonfur Afrika ayaa xaqiijiyay in ka badan 50,000 oo kiis waana wadanka uu sida weyn u saameeyay caabuqa guud ahaan qaaradda Afrika.
Waxaa cudurka u geeriyooday 1,000 qof.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here