Ismaamulada dalka oo 4.6 bilyan ka heshay bangiga adduunka

Bangiga adduunka ayaa Ismaamulada dalka ugu deeqay lacag dhan 4.6 bilyan oo shilin.
Dhaqaalahan ayay ismaamulada u adeegsan doonaan la tacaalidda cudurka Covid-19.
Wasiirka wasaaradda dowlad wadaajinta ee dalka Mr. Eugene Wamalwa ayaa sheegay in lacagtan ay sii kordhin doonto kheyraadka Dowladda ee loo isticmaalaya xakameynta faafitaanka xanuunka.
Lacaagtan oo loogu tala galay in lagu xoojiyo awooda dhaqaale ee ismaamulada ayaa laba heer loo kala qaadi doona.
Mr Eugene Wamalwa ayaa sheegay in heerka kowaad ee deeqda, dhaaman ismaamulada loo qondeyay 1.4 bilyan taasi oo ka dhigan in ismaamul kasta uu heeli doono 30 Milyan.
Waxaa uu intaa ku daray in lacagtan ay ka qayb qaadan doonto dadaalka ismaamulada ay ku diyaarinayaan 300 ee sariirod.
Madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa horay dowlad deegaanada u qabtay ilaa iyo 6-da bishan Toddobaad si ay u diyaariyaan ugu yaraan 300 oo ah sariirada gaarka ah oo loogu talagalay dadka uu soo ritay cudurka COVID19
Wasiirka ayaa ismaamulada ugu baaqay in ay sii wanaagsan uu isticmaalan lacaagahasi loogu deeqay.
Wasiirka ayaa sido kale sheegay in dowladda dhexe ay bangiga aduunka ka codsatay In uu sii balaariyo deeqda uu siinaayo ismaamulada si ay awood ugu yeeshan xakameynta cudurka corona virus-ka.
Dhanka kale guddoomiyaha golaha ay ku mideysan yihiin barasaabyada ismaamullada dalka ee COG ahna hoggaamiyaha dowlad deegaanka Kakamega Mr. Wycliffe Oparanya ayaa bangiga addunka uga mahadceliyay deeqdaasi waxaa uuna ismaamulada ugu baqay in deeqdan ay u adeegsadaan sida haboon.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here