Ismaamulada dalka oo la sheegay in lagu leeyahay 100 bilyan oo deymo ah

Waaxda qaran ee dowladda dhexe u qaabilsan arrimaha ganacsiga iyo warshadaha ee (KNCCI) ayaa sheegtay in ismaamulada dalka lagu leeyahay 100 bilyan oo shilin oo ah deymo aanan weli la siinin qandaraaslayaal fuliyay mashaariic kala duwan.
Waxaa arrinkan shaaca ka qaaday madaxa waaxdan Richard Ngatia isagoo walaac ka muujiyay in dowlad deegaanada kala duwan aynan xilligi habboon bixin lacagaha ay ku yeeshaan shakhsiyaadka iyo shirkadaha loo xilsaaro mashaariicda horumarineed.
Xillii uu ku sugnaa ismaamulka Kirinyaga , ayuu mas’uulkan sheegay in ismaamulada laga doonayo inay lacagahan bixiyaan.
Waxaa uu u soo jeediyay inay ku daydaan dowladda dhexe oo ay gudaan dhammaan deymaha aynan weli bixin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here