Ismaamulka Garissa iyo wasaaradda caafimaadka oo heshiis saxiixday

Dowladda ismaamulka Garissa ayaa heshiis la saxiixatay wasaaradda caafimaadka ee dalka.
Arrintan ayaa waxaa shaaca ka qaaday barasaabka Garissa Cali Bunow Qorane oo dhawaan qoraal soo saaray.
Heshiiskan ka dhexeya laba heer ee dowladda ayaa loo yaqaanaa (IPA).
Waxaa uu horseedaya in sare loo qaado fulinta barnaamijka caafimaadka guud ee UHC ee Garissa.
Barasaabka ayaa xusay in is-afgaradkan uu xoojin doono iskaashiga dhanka adeegyada caafimaadka ee ka dhexeya dowladda dhexe iyo ismaamulka Garissa.
Dowladda dhexe ayaa shaqaaleysiin doono howlwadeeno caafimaad waxayna sido kale bixin doontaa qalabka caafimaadka.
Guddoomiyaha Garissa ayaa qoraalkiisa ku xusay in boqolkiiba 30 ee miisaaniyadda dowlad deegaankaas loo qoondeyn doono dhanka caafimaadka.
Heshiiska waxaa qalinka ku wada duugay barasaabka Garissa Cali Bunow iyo wasiiradda caafimaadka Sicily Kariuki .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here