Ismaamulka Garissa oo faahfaahin ka bixiyay daacuun ka dillaacay Dheertu

Dowladda ismaamulka Garissa ayaa qoraal ay soo dhigtay barteeda rasmiga ee isgaarsiinta ku sheegtay in 2 qof ay cudurka daacuunka ugu dhinteen degmada Dheertu.
Waxay waxba kama jiraan ku tilmaantay in tirada dhimashada ay tahay 150 qof.
Dadka uu cudurkan noloshoodu galaaftay ayaa kala ah haweeney 70 sano jir ah iyo wiil da’diisu lagu sheegay 4 sano.
Ismaamulka Garissa ayaa intaasi ku daray in dadkan aynan ku dhiman xarun caafimaad.
Qoraalka waxaa qeyb ka ah in cudurkan markii ugu horreeysay la soo tabiyay 12-kii bishan.
Waaxda caafimaadka ee dowlad deegaanka Garissa ayaa sameysay xarun gaar ah oo xanuunka daacuunka ee halkaas ka dillaacay lagu xakameynayo si uunan u sii faafin.
Sido kale waxaa la wacyigeliyay howlwadeenada kala duwan si ay ka hor tag u sameeyaan.
Waxaa halkaaas la geeyay daawooyinka cudurkan lagula tacaalo iyadoo dadweynaha wax looga sheegayo inay ku dadaalaan nadaafadda.
Qoysaska ayaa sido kale loo qeybiyay daawooyinka biyaha lagu sifeeyo ee jeermiska

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here