Ismaamulka Garissa oo sameynaya baaritaano lacag la’aan oo ku saabsan Kansarka

Dowladda ismaamulka Garissa ee gobolka waqooyi bari ayaa shaaca ka qaaday inay fulin doonto baaritaano bilaash ah oo ku aaddan cudurka kansarka.
Baaritaannadan ayaa lagu qabanaya isbitaalka weyn ee Garissa Referral Hospital maalmaha khamiista iyo jimcada taariikhduna ay ku beegan tahay 30-ka iyo 31-da bishan January .
Waxaa arrintan looga gol leeyahay in sare loogu qaado wacyigelinta sido kalena xilli hore la ogaado cudurka.
Khuburo caafimaad ayaa baaritaanada sameynaya waxayna si gaar ah u eegayaan noocyada kansarka ee ku dhaco naasaha, minka iyo qeybta hoose ee ragga.
Sido kale baaritaanada ayaa la sameyn doonaa kaddib markii qofku uu isdiiwaan geliyo.
Khuburrada ayaa isugu jiro rag iyo haween labaduba.
Sido kale waxaa dadweynaha halkaasi tagaya laga baari doonaa cudurrada sokoroowga , dhiig karka iyo kuwa kale oo halis ku ah nolosha bani’aadanka.
Isku duwaha arrimaha Kansarka ee ismaamulka Garissa Fatuma Xassan Abubakar ayaa shacabka ugu baaqday inay ololahan ka faaiidaystaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here