Ismaamulka Garissa oo taageeraya machadyada maxalliga

Dowladda ismaamulka Garissa ayaa shaaca ka qaadday inay garab siin doonto kobcinta machadyada ku yaalla deegaanadeeda.
Tallaabadan ayaa looga gol-leeyahay in la soo saaro howlwadeeno ku filan inay maareeyaan ama ka shaqeeyaan dugsiyada iyo isbitaallada oo hadda gaabad dhanka shaqaalaha ah wajahaya.
Barasaab ku xigeenka ismaamulka Garissa Cabdi Dhaqane ayaa sheegay inay ka go’an tahay sidii loo caawin lahaa dhammaan xarumaha wax lagu barto ee dowladda ay leedahay iyo kuwa shakhsiyeed .
Wuxuu intaas ku daray in dowladda ismaamulka ay sido kale qaadatay nidaam la xiriira shaqaaleysinta oo mudnaanta koobaad la siinaya ardayda ka qalin jabiya dugsiyada maxalliga ee deegaanadaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here