Ismaamulka Kiambu oo 2 bilyan ku qarash gelinaya arrimaha caafimaadka

Dr James Nyoro xilli uu soo bandhigayay keydka sanduuqa gurmadka degdegga ah ee lagula tacaalaya cudurka Covid-19.

Barasaabka ismaamulka Kiambu ee gobolka bartamaha dalka Dr. James Nyoro ayaa sheegay inay ku dadaalayaan sidii ay ku heli lahayeen lacag dhan 2 bilyan oo shilin si wax looga qabto arrimaha caafimaadka.
Guddoomiyaha ayaa arrinkan shaaca ka qaaday xilli uu soo bandhigay keydka sanduuqa gurmadka degdegga ah ee lagula tacaalaya cudurka Covid-19.
Waxaa uu xusay inay guddoomeen deeq dhan 134 milyan oo shilin.
Deeqdan 4 milyan oo ka mid ah waxaa bixisay shirkadda cabitaannada soo saarto ee Del Monte , bangiga Family Bank waxaa uu ismaamulka Kiambu ugu deeqay sarriraha qeybta daryeelka degdegga ee ICU-da oo qiimahoodu yahay 3 milyan halka bangiga kale DTB uu bixiyay 1.5 milyan.
Barasaabka Kiambu ayaa sheegay in 2-da bilyan qalab loogu soo iibin doono isbitaallada ismaamulkaas gaar ahaan kuwa heerarka afaraad iyo shanaad.
Sido kale waxaa cunno gargaar ah loogu iibinaya in ka badan 30,000 qoys oo dhibaatooyinka u nuguk kuwaasoo ay si gaar ah u taabatay saameynta dhaqaale ee ka dhalatay cudurka covid-19.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here