Ismaamulka Kilifi oo ay ka dhacaan kiisaska ugu badan ee kufsiga

Warbixin dhawaan la soo saaray oo lagu eegayay xadgudubyada dhanka jinsiyadda ayaa lagu sheegay in ismaamulka Kilifi ee gobolka Xeebta uu wadanka ugu horreeyo kiisaska kufsiga ee ka dhaco.
Kiisaska noocan ah ee laga soo tabiyay dowlad deegaankaasi ayaa ah boqolkiiba 97.9 sida laga soo xigtay xarunta qaran ee cilmi baarista ku sameysa falal dambiyeedyada.
Waxaa liiska ismaamullada ugu hooseeya Samburu oo laga diiwaangeliyay boqolkiiba 7.9 .
Waxaa Kilifi ku soo xiga Kisii oo ah boqolkiiba (85.7), Machakos (71.4), Mombasa (66.7) iyo Nairobi (64.9).
Falalka ugu badan ee faraxumeynta gabdhaha yaryar ayaa laga diiwaangeliyay Mombasa oo ah boqolkiiba (60), Machakos (58.3), Kisii (57.1), Nairobi (24.5) iyo Nyeri oo lagu sheegay boqolkiiba (17.5).
Xadgudubyada kale ee dhanka jinsiyadda ee laga soo tabiyay dhammaan ismaamullada dalka waxaa ka mid ah jirdilka ama garaaca haweenka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here