Ismaamulka Nairobi oo dacwad ka gudbiyay wasiirka maaliyadda

Dowladda hoose ee ismaamulka Nairobi ayaa maxkamadda gaysay kiis ka dhan ah wasiirka wasaaradda maaliyadda iyo qorsheynta qaranka Mr. Ukur Yatani .
Wakiillada ayaa doonaya in maxkamaddu ay wasiirka ka hor istaagto inuu lacago ku wareejiyo maamulka loo xilsaaray bixinta adeegyada bulshada ku nool Nairobi ee (NMS).
Sarkaalka ugu sarreeya waaxda maaliyadda ee ismaamulka Nairobi Halkano Waqo ayaa dacwaddan gudbiyay.
Sido kale wakiillada ayaa dalbanaya in maamulka NMS uunan wax farogelin ah ku sameyn qoondeynta miisaaniyadeed ee dowlad deegaanka Nairobi.
25-kii bishii labaad ee sannadkan ayay ahayd markii wargayska rasmiga ee dowladda lagu soo daabacay wareejinta ilaa afar shaqo oo hoos tagi jiray ismaamulka.
Bishii hore ayay ahayd markii garsoore Hellen Wasilwa oo ka howlgasho maxkamadda shaqaalaha ay sheegtay in NMS lagu soo dhisay qaab aan dastuurka dalka waafaqsanayn.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here