Ismaamulka Nairobi oo kordhiyay lacagta laga qaado baabuurta la dhigo bartamaha magaalada

Dowladda ismaamulka Nairobi ayaa kordhisay qarashaadka ay bixiyaan mulkiilayaasha baabuurta ee gawaaridooda dhigta bartamaha caasimadda ee loo yaqaano CBD.
Waxay horay maalin kasta bixin jireen 200 oo shilinka dalka balse laga billaabo berri waxaa laga qaadaya 400 oo shilin.
Amarkan cusub ee uu soo saaray maamulka uu hoggaamiyo Mike Sonko ayaa sido kale saameynaya gaadiidleyda isticmaalo wadada Kijabe Street.
Mulkiilayaasha baabuurta yaryar ayaa laga qaadaya 400 halka basaska iyo kuwa xamuulka ay maalinkii bixinayaan 1000 shilin.
Isbeddeladan ayaa qeyb ka ah hindise sharciyeedka maaliyadda ee dowladda ismaamulka Nairobi ee sannadka 2019-ka.
Qaar ka mid ah gaadiidleyda Nairobi ayaa ku andacoonaya inaan lagala tashan tallaabadan cudub.
Xilli ay warbaahinta u warrameen ayay dareenkooda ku aaddan qarashaadka la kordhiyay sidatan u muujiyeen.

Agaasimaha dowlad deegaanka u qaabilsan howlahan Tom Tinega ayaa sheegay in dadka baabuurtooda dhiganaya goobaha ku yaalla Westlands, Upper Hill, Community, Ngara, Highridge, Industrial Area, Gigiri, Kilimani, Yaya Centre, Allsops, Mwiki, Dagoretti, Kawangware, Kangemi, South B iyo South C inay maalin kasta bixinayaan 200 oo shilin.
Maamulka Mike Sonko ayaa dhanka kale sheegay in miisaaniyad sannadeedkii 2018-2019-ka inuu aruuriyay dhaqaale gaaraya 10.25 bilyan oo shilin halka bartilmaameedsigu uu ahaa 15 bilyan iyadoo ku dhawaad 2 bilyan sannad kasta dakhligan uu ka soo xaroodo canshuurta ay bixiyaan mulkiilayaasha gawaarida.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here