Ismaamulka Nairobi oo safarro u adeegsaday in ka badan 387 milyan

Warbixin uu soo saaray xafiiska dowladda u qaabilsan maareynta miisaaniyadda ayaa lagu sheegay in dowladda ismaamulka Nairobi ay lacag dhan 387.2 milyan oo shilin ku bixisay safarro ay saraakiisha ku tageen gudaha dalka iyo dibadiisa.
Dhaqaalahan ayaa la isticmaalay lixdii bilood ee ugu horreysay miisaaniyad sannadeedkii 2019/2020-ka.
Maareeyaha miisaaniyadda dowladda Margaret Nyakang’o ayaa warbixinta ku sheegtay 632 milyan oo shilin lagu qarash geliyay mashaariicda horumarineed.
Waxay tani u dhigantaa boqolkiiba 5.6 miisaaniyaddii loo qoondeeyay maamulka Mike Sonko oo ahayd 11.27 bilyan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here