Ismaamulka Nairobi oo sanad kasta 100 bilyan ay uga lunto cariiriga dhanka baabuurta

Warbixin cusub oo la soo saaray ayaa lagu sheegay in caasimadda dalka ee Nairobi uu sanad kasta dhaqaale gaaraya 100 bilyan oo shilin kaga khasaaro saameynta ka dhalato cariiriga dhanka isku socodka baabuurta.
Waxaa warbixinta soo bandhigay ururka qaabilsan howlaha gaadiidka ee magaalooyinka ay ku nool yihiin dadka ugu tirada badan.
Mas’uuliyiinta ururkan ayaa shaaca ka qaaday in cilmi baaris la sameeyay lagu ogaaday in isku celcelis ahaan 57 daqiiqadood ay ku qaadato qofka marka uu baabuur ka raaco qeyb ka mid ah ismaamulka ilaa iyo inta uu ka tagayo bartamaha magaalada ee loo yaqaano CBD.
Sido kale magaala madaxda dalka ee Nairobi ayaa liiska magaalooyinka ugu cariiriga badan dunida ka gashay nambarka afaraad.
Maalin kasta waxaa bartamaha caasimadda howlo kala duwan u tago 5 milyan oo qof.
2 milyan oo dadkan ka mid ah waxay deegaan ahaan ka soo jeedaan ismaamulada Nairobi dariska la ah sida Kiambu, Murang’a, Machakos iyo Kajiado.
Ugu dambeyntina ururkan ayaa soo jeediyay in la dhaqangeliyo hannaanka gaadiidka ee basaska ee loo yaqaano BRT si saxmadda jirta loo yareeyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here