Ismaamulka Nairobi oo soo saaray qaab cusub oo lagu bixin karo qarashaadka adeegyada

Dowladda ismaamulka Nairobi ayaa soo bandhigtay hannaan cusub oo u gaar ah oo ay mulkiilayaasha baabuurta iyo ganacsatada ku bixin karaan qarashaadka la xariira adeegyada kala duwan ee loo fidiyo.
Nidaamkan ayaa laga billaabo maanta loo isticmaali karaa inuu qofku ku bixiyo lacagta laga qaado marka uu baabuurkiisa dhigto goob ay dowladdu ogtahay , qarashaadka arrimaha dhulalka , ogolaanshaha ganacsi iyo adeegyada kale.
Maamulka uu hoggaamiyo Mike Sonko ayaa sheegay in qaabkan cusub la daahfuray si looga hor tago in malaayiin shilin la lunsado.
Hannaankan ayaa la soo saaray kaddib markii dowladda ismaamulka Nairobi ay soo afjartay heshiiskii kala dhexeyay shirkadda JamboPay oo lacagaha lagu bixin jiray tan iyo sannadkii 2014-kii.
Wasiirka maaliyadda ee dowlad deegaanka Nairobi ,Charles Kerich ayaa sheegay in qofku looga baahan yahay in isagoo adeegsanaya taleefoonkiisa gacanta uu garaaco *235# si uu nidaamkan u isticmaalo.
Barasaabka Nairobi Mike Sonko ayaa dhankiisa qoraal uu soo dhigay bartiisa rasmiga ee Facebook-ga ku sheegay in qaabka cusub ee lacagaha lagu bixin karo uu shaqeynayo sidaasi awgeedna la doonayo in dadweynaha ay ka faaiidaystaan.
Waxaa uu gaashaanka u daruuray warar soo baxay oo ahaa in maadaama uu dhammaaday qandaraaskii ka dhexeyay maamulkiisa iyo Jambopay, dib loogu laaban doono nidaamkii hore ee iska caadiga ahaa ee lacagaha lagu aruurin jiray.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here