Ismaamulka Siaya oo muddo hal bil ah hakiyay bixinta canshuuraha

Dowlada ismaamulka Siaya ayaa hakisay canshuurta ay ka qaadi jirtay ganacsatada ismaamulkaasi muddo 30 maalmood.
Arrintan ayaa loo sababeyay fafitaanka cudurka Coronavirus iyadoo dhaqdhaqaaqi ganacsiga uu yaraaday.
Barasaabka ismaamulka Siaya ,Cornel Rasanga ayaa sheegay in waaxda qaabilsan dakhliga ee ismaamulkaasi aysan ka qaadi doonin canshuuraha ganacsatada 30-ka maalmood ee soo socda, isagoo intaa ku daray in muddada hakinta ay kordhi karto.
Xilli uu warbaahinta kula hadlyay magaalada Siaya ayuu xusay inay sii wadayaan wacyigelinta ka dhanka ah xakameynta cudurka Coronavirus.
Waxaa sidoo kale la hakiyay khidmadii laga qaadayay baabuurta bakinada la dhigay iyadoo gadiidka dadweynaha ay raacayaan rakaab tiro yar.
Guddomiyaha ayaa ka codsaday ganacsatada iyo dhamaan bulshada ismaamulka Siaya inay sii wadaan u hogaansanka awaamiirta dowladda ee ku aaddan ka hortagga cudurka COVID-19.
Waxaa uu sidoo kale barasaabka bulshada ugu baaqay inay ku dadaalaan nadaafada guud iyo midda shakhsiyadeed.
Qeybaha kala duwan ee bulshada ayuu guddoomiyaha Siaya ugu yeeray inay u hoggansamaan bandowga habeenkii dalka lagu soo rogay si loo xakameeyo faafitaanka coronavirus-ka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here