Ismaamullada dalka oo 3.4 bilyan u isticmaalay la tacaalidda COVID19

Maareeyaha miisaaniyadda dowladda Margret Nyakango ayaa sheegtay in dowladaha ismaamullada ay ilaa iyo hadda la dagaalanka cudurka COVID19 u isticmaaleen 3.43 bilyan oo shilin.
Waxaa horay loogu qoondeeyay 13.1 bilyan oo loogu talagalay wax ka qabashada cudurka.
Mrs. Margaret ayaa arrinkan shaaca ka qaadday iyadoo soo xiganaysa warbixin la horgeeyay guddiga aqalka sare u qaabilsan arrimaha coronavirus.
Haweeneydan ayaa ismaamullada helay lacagaha ugu badan iyo kuwa lagu wareejiyay dhaqaalaha ugu hooseeya ku kala sheegtay Turkana oo la siiyay dhaqaale dhan 858 milyan oo shilin , Nakuru (603milyan ) Nairobi (576 milyan ),Lamu (37.9 milyan ), Tana River (71.1 milyan ) iyo Taita Taveta oo loo qoondeeyay lacag dhan 76.7 milyan..
Sida warbixinta ku qeexan waxaa lacagaha ugu badan cudurka COVID19 u adeegsaday ismaamullada Nakuru (311.9 milyan oo shilin) ,Wajeer (255.3 milyan) iyo Kiambu oo ku bixisay (245.9 milyan oo shilin).
Maareeyaha miisaaniyadda dowladda ayaa sido kale sheegtay in dowlad deegaanada Nairobi ,Bomet, Embu, Kirinyaga, Lamu, Mandera iyo Marsabit uunan wax qarash oo ka mid ah lacagihii gaarka ahaa ee loo qoondeeyay kaga bixin la tacaalidda cudurka COVID19.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here