Ismaamullada dalka oo helaya 29 bilyan oo shilin

Wargayska Daily Nation ee ka soo baxo gudaha dalka ayaa ku warramaya in wasaaradda maaliyadda iyo qorshaynta howlaha qaranka ay ugu dambeyn ogolaatay in ismaamullada lagu wareejiyo 29.7 bilyan oo shilin.
Tani ayaa timid kaddib cadaadis ay barasaabyada muddo dheer saarayeen dowladda.
Dowlad deegaanada ayaa laga doonaya inay lacagtan qaybsadaan si ay ugu adeegsadaan mashaariicda horumarineed iyo adeegyada bulshada.
Shir uu guddoominayay wasiirka wasaaradda maaliyadda ee dalka Mr. Ukur Yatani oo ay ka qeyb galeen xubnaha guddi farsamo ayaa laga soo saaro in lacagtan sida ugu dhaqsiyaha badan loo bixiyo.
Guddoomiyaha golaha hoggaamiyaasha ismaamullada ee COG Mr. Wycliffe Oparanya iyo guddoomiyaha aqalka sare Mr.Kenneth Lusaka ayaa sheegay inay isku afgarteen in wasaaradda maaliyadda ay soo saarto dhammaan lacagaha ka maqan dowlad deegaanada ee loogu qoondeeyay miisaaniyad sannadeedkii hore.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here