Ismaamullada oo billaabay ka hor tagga caabuqa Coronavirus

Qaar ka mid ah ismaamullada dalka ayaa guda galay dadaallo ay ku doonayaan inay kaga hortagaan caabuqa Coronavirus ee saameeyay qaar ka mid ah wadamada caalamka.
Waxay soo dhisayaan guddiyo arrintan loo xilsaaraya oo loo qoondeyn doono miisaaniyad ay ku shaqeeyaan.
Dadaallada socdo waxaa ka mid ah in dowlad deegaannada ku yaalla gobolka xeebta ee wadanka laga dalbaday inay dib u eegis ku sameeyaan xeerarka ganacsiyadooda.
Wasiirka wasaaradda dalxiiska ee dalka Mr.Najib Balala ayaa hoosta ka xarriiqay in muulkiilayaasha maqaayadaha laga doonayo inay dalxiisayaasha ku dhiirigeliyaan inay yimaadaan Kenya.
Mr. Balala ayaa carrabka ku adkeeyay inaynan arrin fudud ahayn in la joojiyay duulimaadyadii waqooyiga Talyaaniga balse wuxuu ku tilmaamay go’aan lagaga maarmaan oo la qaatay.
Ilaa galinkii dambe ee shalay 25 ka mid ah ismaamullada dalka ayaa sameeyay qolol gaar ah oo loogu talagalay in lagula tacaalo dadka looga shakiya caabuqa Coronavirus ee isbitaallada la dhigo.
Waxay tani ku soo aadaysa iyadoo wasaaradda caafimaadka ee dalka ay ismaamullada u qabtay ilaa 15-ka bishan Maarso si ay u soo dhisaan xarumo wax looga qaban karo firuusiga iyo cudurka uu sababo hadii uu wadanka soo gaaro.
Dowlad deegaannada guddiyada soo magacaabay waxaa ka mid ah Homa Bay, Kisii iyo Nyamira .
Dhawaan ayay ahayd markii wasaaradda caafimaadka ee dalka ay heegan sare gelisay 14 ka mid ah 47-da dowlad deegaan ee uu wadanku ka kooban yahay.
Ismaamulladan ayaa ah kuwo wadanka laga soo galo ama u dhow xuduudda dalka looga soo gudbi karo wadamada dariska la ah.
Tallaabadan ayaa looga gol leeyahay inay ka hor tag u noqoto inuu Kenya soo gaaro caabuqa Coronavirus ee dunida ku sii fidaya.
Waxay ismaamulladan kala yihiin Nairobi, Mombasa, Kisumu, Kiambu, Uasin Gishu, Kajiado, Busia, Migori, Kilifi, Kakamega, Kajiado, Nakuru, Wajeer iyo Garissa.
Dr. Daniel Lang’at oo ah madaxa wasaaradda caafimaadka ee dalka u qaabilsan kormeerka cudurrada ayaa arrintan shaaciyay.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in si buuxda loo howlgeliyay guddi loo saaray ka hor tagga firuusigan sidaas awgeedna ilaa iyo hadda gudaha wadanka uunan ka jirin wax kiis ah oo la xiriira oo la diiwaangeliyay.
Dr. Langat ayaa intaas ku daray in ilaa iyo maalinkii Arbacada ee toddobaadkan in baaritaano lagu sameeyay 342,510 qof oo wadanka safar ku yimid.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here