Ismaamullada oo ku dadaalaya inay diyaariyaan 300 oo sariirrada gaarka u ah covid-19

Dowlad deegaannada dalka ayaa dadaal badan ku bixinaya inay diyaariyaan ugu yaraan 300 oo sariirood oo loogu talagalay dadka looga shakiyay ama uu soo ritay cudurka Covid-19.
Tani ayaa ku soo aadaysa iyadoo mudadii loo qabtay ay ku beegan tahay 7-da bisha toddobaad ee sannadkan.
Madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa horay barasaabyada ugu amray inay qorshahan dhaqan geliyaan.
Horraantii bishan ayaa ismaamullada lagu wareejiyay 5 bilyan oo shilin oo ay kula tacaali karaan coronavirus.
Dhanka kale wasaaradda caafimaadka ee dalka ayaa ku dadaalaysa xakameynta faafitaanka cudurka covid-19 in kastoo xaaladaha ay weli sii kordhayaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here