Ismaamullada oo lagu amray inay kaalin ka qaataan xakameynta faafidda COVID-19

Wasaaradda caafimaadka ee dalka ayaa dowladaha ismaamullada ka dalbatay in ay ka soo baxaan kaalintooda ku aaddan ka hor tagga faafitaanka caabuqa corona.
Wasiirka wasaaradda caafimaadka ee dalka Mr. Mutahi Kagwe oo shalay shir guddoomiyay kulan degdeg ahaa ayaa dowlad deegaanada ku amray in ay soo saaraan tallaabooyin laga dhaqangelinaya deegaanadooda.
Waxaa uu xusay in guddoomiyaasha dowladda dhexe ku matalo ismaamullada iyo barasaabyada laga doonayo in ay yeeshaan shir degdeg ah oo arrinkan ku saabsan.
Kagwe ayaa ku nuuxnuuxsaday in ismaamul kasta uu ka jiro guddi loo xilsaaray la tacaalidda COVID-19 sidaas awgeedna la joogo xilligii maamullada kala duwan ay shaacin lahayeen tallaabooyin dheeraad ah oo lagu xakameynaya kiisaska ku sii dhex faafaya shacabka.
Wasiirka ayaa hoosta ka xarriiqay in bishan ay noqotay mid la diiwaangeliyay kiisaska ugu badan ee coronavirus ee gudaha Kenya tan iyo bishii sadeexaad.
Kenya waxaa ilaa iyo hadda laga xaqiijiyay xaaladaha cudurka COVID-19 oo gaaraya 70,804 .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here