Ismaamullada oo loogu baaqay inay iska kaashadaan cudurka Covid-19

Dowlad deegaannada wadanka ayaa loo soo jeediyay inay ka wada shaqeyaan diyaar garowga ku aaddan la tacaalidda cudurka Covid-19.
Barasaabka ismaamulka Isiolo ahna guddoomiyaha guddiga caafimaadka ee golaha ay ku mideysan yihiin hoggaamiyaasha dowlad deeggannada ee COG Dr. Maxamad Kuti ayaa baaqan soo saaray
Tani ayaa timid kaddib markii ay sii kordheen xaaladaha corona ee laga xaqiijiyay gudaha wadanka .
Guddoomiyaha ayaa ismaamullasa ka dalbaday inay baaritaano khasab ah ku sameyaan dhamaan dadka safarka ku tago deeganadooda.
Dr. Kuti ayaa sido kale ku taliyay in shacabka ku nool deegaanada kala duwan ee dalka loo sameeyo wacyi gelin ballaaran oo ku saabsan khatarka cudurka iyo muhiimadda ay leedahay u hoggaansanka amarrada dowladda.
Sido kale waxaa uu xusay in ismaamullada laga doonayo inay soo buuxiyaan shuruudii dowladda ee ahayd inay diyaariyaan ugu yaraan 300 oo ah sariirada gaarka u ah bukaanada uu saameeyo ama looga shakisan yahay covid-19.
Ismaamullada ayuu Dr. Kuti ku boorriyay inay tababaro siiyaan howlwadeeno caafimaad oo dheeraad ah si ay u daaweyaan bukaannada.
Barasaabka Isiolo ayaa dhanka kale walaac ka muujiyay in ismaamullada qaar aynan ka jirin qalabka cudurka lagu baaro wuxuuna dolwadda dhexe ka dalbaday inay dardargeliso qeybinta agabkan si baaritaan wadareed loo sameeyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here