Ismaamullada oo maanta helaya lacagaha ay dowladda dhexe ugu talagashay

Maareeyaha miisaaniyadda dowladda Margaret Nyakang’o ayaa sheegtay in maanta ismaamullada wadanka lagu wareejin doono dhaqaalaha ay dowladda dhexe u qoondeysay.
Waxaa lagu wareejinayaa 369.87 bilyan oo shilin oo ay si siman u qaybsanayaan sanad maaliyadeedka 2020/2021-ka.
Dood in muddo ah ka dhex taagneyd aqalka sare ayaa dib u dhac ku keentay in dowlad deegaanada ay dhaqaale helaan waqtigii loogu talagalay.
Sida ku qeexan sharciga qoondeynta dakhliga ismaamullada ayaa la rabay inay bishii toddobaad helaan 25.32 bilyan ), bishii sideedaad ee August (26.903 bilyan iyo bishii sagalaad (26.903 bilyan )
Sida laga soo xigtay xafiiska maareeya miisaaniyadda dowladda , ismaamullada ayaa looga baahan yahay inay foomam soo gudbiyaan si dhaqaalahan loogu wareejiyo.
Maalmo ka hor ayuu madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ansaxiyay sharciga ay ismaamullada ku qaybsanayaan dakhliga oo dood dheer kaddib uu aqalka sare meel mariyay.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here