Ismaamullada waqooyiga gobolka Rift Valley oo qaadayo tallaabooyin ka dhan ah Coronavirus

Hoggaamiyaasha ismaamullada ku midoobay dalladda dhaqaale ee waqooyiga gobolka Rift Valley ee (Noreb) ayaa waxay soo bandhigeen arrimo dhowr ah oo ku aaddan ka hor tagga caabuqa Coronavirus.
Barasaabyada ayaa amar ku bixiyay in la xiro dhammaan goobaha meydadka lagu keydiyo.
Amarkan ayaa sida ugu dhaqsiyaha badan u dhaqangalaya waxaana qoysaska laga dhintay loo soo jeediyay inay meydka aasaan muddo 24 saacadood gudahood ah.
Barasaabka ismaamulka Uasin Gishu sido kalena ah guddoomiyaha dalladda NOREB, Jackson Mandago ayaa warbaahinta u sheegay in go’aankan la qaaday kaddib wadatashi dhinacyo badan ah oo la sameeyay.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay inay suurtagal tahay in dadweynaha ay u hoggaansanka amarkan dhibsadaan balse lagama maarmaan uu yahay.
Sido kale guddoomiyaasha ayaa sheegay in munaasabadaha aaska ee waqooyiga Rift Valley ay ka qeyb galayaan oo dad tiro ahaan ka yar 50 qof.
Ururka NOREB Noreb waxaa xubno ka ah dowlad deegaannada Uasin Gishu, Nandi, Elgeyo Marakwet, Baringo, Trans-Nzoia, galbeedka Pokot, Turkana iyo Samburu.
Sido kale waxaa gudaha ismaamulladan laga mamnuucay inay shaqeeyaan goobaha habeenkii lagu caweeyo , xaraashka lo’ada iyo sido kale suuqyada aan lahayn xeeyndaab u gaar ah.
Madaxweynaha dalka ayay ka codsadeen inuu fududeeyo sharciga u degsan soo iibsashada qalabka.
Sido kale waxay Dowladda dhexe weydiisteen inay siiso dhaqaalaha iyo taageerada habboon ee ay u adeegsan karaan ka hor tagga cudurka COVID-19.
Waqooyiga Rift Valley ayaa waxaa laga sameeyay qolal gaar ah oo qaadaya 290 sariir si halkaas baaritaano loogu sameeyo cidii looga shakiyo cudurka .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here