Ismaamullada xoolo dhaqatada oo doonaya inaan la dhaqangelin qaab dakhliga lagu qeybsanayo

Dalladda ay ku mideysan yihiin dowladaha ismaamullada xoolo dhaqatada ee FCDC ayaa soo jeedisay in muddo hal sano ah dib loo dhigo dhaqangelinta nidaam la doonayo in lagu qeybsado dakhliga wadanka.
Qaabkan ayaa ah midkii saddexaad ee loogu talagalay in dowladda dhexe iyo ismaamullada ay ku qeybsadaan dhaqaalaha dalka.
Guddoomiyaha dalladda FCDC ahna barasaabka ismaamulka Mandera Cali Ibraahim Roba ayaa sheegay in hadii hannaankan la adeegsado dowlad deegaano badan aynan ka faaiidi doonin.
Qorshahan dhaqaale qeybsiga ayaa waxaa soo saaray guddiga qaabilsan qoondeynta dakhliga ee (CRA)
Mr. Roba ayaa ku nuuxnuuxsaday in tallaabadan ay caqabad ku noqonayso dhamaystirka mashaariicda horumarineed ee ismaamullada iyo bixinta adeegyada bulshada.
Guddoomiyaha FCDC ayaa madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ka codsaday inuu nidaamkan u bandhigo aqalka sare si loo dhaqangeliyo sannadka 2021-ka.
Cali Roba ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa rasmiga ee Twittarka ku sheegay inay ogadeen saaxiibada dhabta ah ee deegaannada xoolo dhaqatada ee ASALs ayna tahay mid aan la hilmaami doonin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here