Israa’iil oo ay doorasho ka dhacayso

Sharci dejiyaasha Israa’iil ayaa u codeeyay inay la kala diro baarlamaanka si ay u qabsoonto doorasho.
Arrintan ayaa timid kaddib markii ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu uunan ku guulaysan inuu soo dhiso isbeheysi siyaasadeed oo talada haynaya in kastoo ay dhamaatay mudadii kama dambeyska ahayd ee loo qabtay.
Bishii afaraad ee sannadkan ayay ahayd markii xisbiga Mr. Netanyahu uu helay boqolkiiba 35 ee 120-ka kuraas ee baarlamaanka.
Ra’iisul wasaaraha Israa’iil ayaa dhanka kale wajahaya eedeymo la xariira musuqmaasuqa in kastoo uu hoosta ka xariiqay inuunan wax khalad ah sameyn.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here