Israa’iil oo duqeymo ka fulisay Suuriya

Warbaahinta dalka Suuriya ayaa ku warramaysa in ugu yaraan 4 qof oo shacab lagu dilay duqeymo ay gaysteen diyaaradaha maamulka Israa’iil.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in sido kale la dhaawacay 21 qof kaddib markii gantaallo lala bartilmaameedsaday saldhigyo militariga Suuriya ay ku leeyihiin magaalooyinka Homs iyo Dimishiq.
Ciidamada Difaaca ee Suuriya ayaa maanta oo isniin ah sheegay inay ka fal celiyeen weerarkaasi.
Waxay wararku intaasi ku darayaan in gantaalada laga soo ganay hawada sare ee dalka Lubnaan.
Afhayeen u hadlay militariga Israa’iil ayaa ka gaabsaday inuu weerarka ay ciidamadu gaysteen faahfaahin ka bixiyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here