Israa’iil oo duqeymo ku dishay ciidamo Suuriyaan ah

Ciidamada Israa’iil ayaa duqeymo dhanka cirka ah ku qaaday saldhig ay leeyihiin ciidamada Suuriya iyo xoogag ay taageerto Iiraan.
Duqeymahan dhanka cirka ah ayaa waxaa lagu dilay saddex saraakiil militari halka mid kale lagu dhaawacay.
Israa’iil ayaa weeraradan ku tilmaantay mid aargoosi ah xilli ay xuduudeeda dhanka Waqooyi ku aragtay walxaha qarxa.
Bartilmaameedka ayaa ahaa gooba lagu keydiyo alaabaha, saldhigyo militari iyo batriyada gantaalaha hawada la mariyo.
Warbaahinta qaranka Suuriya ayaa warisay in duqeymahan lagu dilay saddex ka mid ah ciidamada militariga laguna dhaawacay mid kale waxaa ay ugu yeereen “gardaradda Israa’iil.
Israa’iil ayaa Suuriya ka fulisay boqolaal weeraro oo dhanka cirka ah tan iyo markii ay bilowdeen dagaaladii sokeeye 2011-kii.
Weeraradan ayaa lagu beegsanayay dagaalyahanada ay kala taageeraan Iiraan iyo Lubnaan ee Xisbullah.
Wasiirka gaashaandhigga Israa’iil Benny Gantz, oo booqasho ku jooga xadka waqooyiga ayaa Talaadadii sheegay in Israel aysan u dulqaadan doonin in walxaha qarxa lagu beero Golan, oo ah dhulkii lagaga qabsaday Suuriya dagaalkii 1967 ee Bariga Dhexe.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here