Israa’iil oo duqeysay Marinka qaza xili Imaaradka iyo Bahrain ay heshiis saxiixeen

Militariga Israa’iil ayaa waxay duqeymo dhanka cirka ah ku qaadeen marinka Qaza, sida ay ku soo warramayso warbaahinta Falastiin waxaa falkaas ka dhashay khasaaro hantiyeed.
Sida ay sheegeyso Wafa, Wakaalada wararka ee Palestine diyaaradaha Israel ayaa gantaalo ku gamay Beit Lahiya ee woqooyiga Marinka Qaza.
Waxay sido kale bartilmaamedsadeen magaalada Deir al-Balah, oo ah magaalada ku taalo bartamaha marinka Gaza, Iyo sido kale Khan Younis oo ka tirsan koonfurta Gaza.
Ma jiro wax dhaawac ah oo la soo tabiyay.
Hamas, kooxda maamusha marinka Gaza ayaa ka digtay in Israel ay ka qoomamayn doonaan dhibaato kasta oo loo gaysta shacabka Marinka Gaza.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here