Israel oo duqeymo cirka ka geysatay marinka Qaza

Milatariga Israa’iil ayaa duqeyn dhanka cirka ah ka geystay marinka Qaza ee dalka Falastiin waxaana ka dhashay khasaaro hantiyadeed in kastoo aysan jirin wax dhimasho ah oo la soo tabiyay.
Sida laga soo xigtay wakaaladda wararka ee dalka Falastin Israa’iil ayaa waxay gantaallo is daba joog ah ku garaacday fariisimo ku yaalla galbeedka, bariga, iyo qaybta koonfureed ee aagga hore ee Qaza, oo uu sidoo kale ku yaallo dhul beereed furan.
Goobo joogayaal ayaa sheegay in duqeymaha lala bartilmaamadesaday magaalooyinka Qaza iyo deeganno hoostaga ee kala ah Rafah iyo Younis waxaana la arkayey qiiq cirka isku shareeray.
Ilaa iyo hadda ma jirto wax sheegasho mas’uuliyeed ah oo ka yimid militariga Qaza.
Afhayeenka ururka Hamaz, Fawzi Barhoum ayaa Israa’iil ku eedeyay inay falkaani ka dambeysay.
Waxaa uu intaa ku daray in Israa’iil ay mas’uul ka tahay wax kasta oo ka dhaco Qaza maadaama ay deegaano haysato, ay gu’doomisay welina weerarro ku waddo sidaas awgeedna Iska caabintu ay tahay mid is-difaacid ah.
Ciidamada cirka ee Israa’iil ayaa sheegay inay duqeymo dhanka cirka ah la beegsadeen laba goobood oo laga sameeyo gantaalada, xarun militari, iyo kaabayaasha dhulka hoostiisa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here