Israel oo hub siinaya Azarbejian

Sida laga soo xigtay saraakiil iyo ilo sirdoon Israel ayaa hub u diraysa Azerbaijan iyadoo uu socday dagaalkii ugu xooganaa ee u dhexeeya Baku iyo Armenia.
Dhinaca kale Ruushka ayaa ku dhawaaqay in uu marti galinayo wadahadal nabadeed oo xal looga gaarayo xiisada kasoo cusboonaatay wadanada Armenia iyo Azerbaijan.
Labada wadan ayaa ku muransan gobolka Nagorno-karabakh, halkaas oo dhawr jeer dagaal ku dhax maray.
Xafiiska wasiirka arimaha dibadda Ruushka Sergie Lavrov, ayaa sheegay in wasiirka uu qadka taleefanka kula hadlay labada dowladood.
In kabadan 100 ruux ayaa ku dhimatay dagaalkii socday tan iyo Axaddii, iyadoona dagaalka socdo uu noqonayo kii ugu xumaa ee labada dhinac dhax mara mudo sanooyin ah.
Sidoo kale madaxwaynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa dhigiisa Faransiiska Emmanuel Macron, kala hadlay sidii xabad joojin deg deg ah lookala dhax dhigi lahaa labada dowladood ee dariska ah.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here