Israel oo xayiraado soo rogaysa

Waxaa lagu wadaa in galinka dambe ee maanta uu Israa’iil ka dhaqangalo amar la xiriira xayiraad dhanka isku socodka ah.
Tallaabadan ayaa ka mid ah dadaallada lagu xakameynaya faafidda fayraska corona.
Waxaa ilaa iyo subaxa Axadda la xirayaa dukaamada waaweyn , meelaha xayawaanka lagu xannaaneeyo iyo matxafyada.
Dadweynaha ayaa loo ogolyahay inay maalmaha sabtida iyo Axadda guriyaha ka soo baxaan.
Waxaa uu qorshuhu yahay in kaddib marka uu baalrmaaanka Israa’iil ansaxiyo in 24-ka bishan la soo rogo xayiraad buuxda oo maalmaha sabtida iyo Axadda aynan dadweynaha guriyahooda ka soo bixi karin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here