Itoobiya oo ay ku noolyihiin tirada ugu badan ee barakacayaasha

Itoobiya waxay leedahay tirada ugu badan ee barakacayaasha ah ee dunida guud ahaan, sida ay warbixin ku sheegtay Hay’adda Norwegian Refugee Council ee marka magaceedu loo soo gaabiyo loo yaqaano (NRC).
Sida lagu sheegay warbixinta NRC, qiyaastii 3.2 milyan oo qof ayaa ku barakacay dagaallo iyo abaaro bishii Abriil ee sannadkan ee dalka Itoobiya, iyada oo sheegtay in dalkaasi uu dhanka kale marti-galiyay 900,000 oo qaxooti ah, oo badankooda ka soo jeeda Koonfurta Suudaan, Soomaaliya, iyo dalka Eritrea.
Hay’adda NRC ayaa kororka barakacayaasha Itoobiya u sababaysay colaadaha gudaha ee dalkaasi sanadihii la soo dhaafay..
Qaramada Midoobay ayaa Itoobiya u yaboohday $ 1.31 bilyan oo loogu talagalay sannadkan 2019,si loogu gargaaro barakacayaasha ku sugan wadanka Itoobiya.
Caalamka ayaa laga codsaday inay u gargaaraan dalalka ay dhibaatooyiinka barakacayaasha haysata oo ay ka mid tahay Itoobiya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here