Jaaliyadda bariga Afrika oo taageertay musharaxnimada Amina Maxamad ee WTO

Wasiiradda wasaaradda cayaaraha ee dalka Amina Maxamad oo ka mid ah musharaxiinta u loolamaya xilka agaasimaha guud ee hay’adda caalamiga ee ganacsiga (WTO) ayaa waxaa taageero u muujisay jaaliyadda bariga Afrika ee EAC.
Tageerada ayaa timid kaddib soo jeedintii madaxweynaha Rwanda Paul Kagame.
Waxaa arrinkan lagu xaqiijiyay warqad uu soo saaray guddoomiyaha golaha jaaliyadda Vincent Biruta.
Qoraalka ayaa lagu xusay in Kenya ay taageero ka heshay wadamada Rwanda, Burundi, Uganda iyo Tanzania.
Amina Maxamad ayaa sido kale soo dhaweysay garab istaagga loo muujiyay waxayna ku tilmaantay mid kalsooni dheeraad ah ku beeraysa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here