Jaamacada Umada Faraceeda Galmudug oo la dhagax dhigay.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa maanta dhagax dhigay dhisme ka kooban sadax dabaq oo leh 36 fasal, Maktabad iyo hool shirarka loogu talagalay oo lagu kordhinayo faraca jaamacadda umadda ee degmada Caabuudwaaq gobolka Galgaduud ee Bartamaha Soomaaliya kaasoo bulshada deegaanku ay is-xilqaan ku dhisanayaan.
Ra’iisul Wasaaraaha oo ay wehliyeen xildhibaanno ka tirsan labad gole ee Baarlamanaaka Soomaaliya ayaa shacabka ku nool Magaalada Caabuudwaaq ku ammaanay dadaalka ay ku dhisamayaan jaamacadda ummadda si ay uga qayb qaataan horumarinta waxbarashada sare ee dalka Soomaaliya
Guud ahaan Bulshada Soomaaliyeed ayuu Ra’iisul Wasaaruhu ugu baaqay inay gacan ka geystaan dhismaha jaamacadda si ay awood ugu yeelato daboolidda baahida waxbarashada sare eek a jirta deegaanada maamulka Galmudug, ayna u soo saarto aqoonyahanno ka shaqeeya horumarinta mustaqbalka ummadda Soomaaliyeed.
Xasan Cali Khayre Ra’isulwasaaraha Soomaaliya ayaa ballan qaaday inay dowladda dhexe gacan weyn ka geysaneyso dhammeystirka dhismaha jaamacadda umada qeybteeda degmada Caadbuudwaaq oo ah qaybta kaliya ee Jaamcaddu ku leedahay meel ka Baxsan caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here