Jaamacadaha iyo machadyada farsamada dalka oo dib loo furaya

Wasiirka wasaaradda waxbarashada ee dalka Prof. George Magoha oo hoggaaminaya saraakiil sar sare oo ka tirsan wasaaradda tacliinta ayaa hadda ku sugan ismaamulka Murang’a.
Waxay ku howlan yihiin geedisocodka dib loogu furaya jaamacadaha iyo machadyada lagu barto culuunta farsamada ee wadanka.
Magoha iyo mas’uuliyiinta kale ayaa lagu wadaa inay u sii gudbaan dowlad deegaanka Nyeri halkaas oo abaare afar saac uu warbaahinta kula hadli doono.
Xoghayaha joogtada ee wasaaradda waxbarashada Dr. Belio Kipsang ayaa isna ku sugan Bomet ka hor inta uunsan sii aadin Narok.
Xoghayaha waaxda tacliinta farsamada Dr. Julius Jwan ayaa gaaray ismaamulka Nandi wuxuuna u sii gudbi doonaa dowlad deegaanada dariska la ah ee Uasin Gishu.
Mas’uuliyiintan ayaa indhaindheynaya sida xarumaha lagu barto farsamada ay ugu diyaar garobeen in dib loo billaabo howlaha waxbarashada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here