Jaamacadaha oo laga doonayo inay buuxiyaan shuruudo lagu xiray ka hor inta aan la furin

Wasaaradda waxbarashada ee dalka ayaa sheegtay inay khasab tahay in jaamacadaha , machadyada iyo xarumaha farsamada ay buuxiyaan shuruudaha lagu xakameynayo faafitaanka cudurka COVID19 ka hor inta aan bisha sagalaad ee sannadkan loo ogolaan inay dib u furmaan.
Arrintan ayaa shaaca looga qaaday bayaan uu soo saaray xoghayaha waaxda tacliinta sare iyo cilmi baarista Simon Nabukwesi.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in mudnaanta koowaad la siinaya xaqiijinta badqabka barayaasha jaamacadaha iyo ardayda.
Sido kale maamullada jaamacadaha ayuu ku booriyay inay qaataan nidaamka casharada lagu bixiyo qaab online ah.
Xarumaha waxbarashada ayaa la xiray kaddib markii gudaha wadanka laga xaqiijiyay fayraska corona.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here