Jaamacadda Egerton oo si lama filaan ah loo xiray

Jaamacadda Egerton ayaa xirtay xarunteeda ugu weyn iyo laan kale oo ay ku leedahay magaalada Nakuru kaddib rabshado ay ardayda sameeyeen.
Wareegto ku taariiqaysan 4-ta Diseembar 2019-ka ayaa waxay jaamacadda ardayda ku amartay inay sida ugu dhaqsiyaha badan ka baxan machadka.
Kaddib rabshado ay sameeyeen ardayda iyagoo dalbanaya in loo ogolaado inay sameeyaan imtixaannada iyadoo aynan bixin lacagihii laga doonayay , golaha Senate-ka waxaa uu kulankiisi 50-aad ku go’aamiyay in jaamacadda si dhaqsi ah loo xiro illaa ogaysiis dheeraad ah uu ka soo baxayo ayaa lagu yidhi wareegtada.
Ardayda ayaa la sheegay inay ka mudaaharaadeen lacagaha ay bixiyaan oo la kordhiyay.
Galinkii hore ee shalay waxa ay isku dhacyo dhex mareen booliska iyo ardayda ku sugnaa xarunta ugu weyn ee jaamacadda oo ku taalla deegaanka Njoro.
Jaamacadda Egerton ayaa waxaa ay ku biirtay liiska jaamacadaha ardayda dhigto ay dibadbax sameeyeen ee JKUAT, KU iyo Maseno .
Dibadbaxyada ayaa loo aaneynayaa in maamulka jaamacadda uu ku guul dareystay inuu wax ka qabto cabashooyin ay ka mid yihiin hannaanka lagu keydiyo macluumaadka ardayda,kaararka imtixaanka iyo in si khasab ah dib loogu dhigay arday lacago lagu yeeshay.
Waxay wararku intaas ku darayaan in ardayda ay burburiyeen qaar ka mid ah qalabka jaamacadda taasoo sababtay in booliska ay u adeegsadaan sunta dadka ka ilimeysiisa.
Ardayda ayaa ku baaqday in dib loo dhigo kaararka imtixaanadka, dibna loo furo hannaanka ardayda jaamacadda iyo in waqti la siiyo ardayda anan wali lacagaha bixin.
Labo maalin ka hor ardayda dhigata jaamacadda Maseno ayaa waxaa ay waddooyinka ka sameeyeen mudaharaadyo ay uga soo horjeedaan kufsiga gudaha iyo banaanka jaamacadda.
Labo arday oo dumar ah ayaa la sheegay in la kufsaday habeenimadii sabtida, halka maamule ku xigeenka jaamacadda Prof. Julius Nyabundi uu ardayda ku eedeyay inay ku guul-dareesteen inay maamulka arrintan kala hadlaan.
Ardayda ayaa waxaa lagu amray inay ka baxaan jaamacadda 7:30 fiidnimo ee xalay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here