Jaamacadda Nairobi oo 14 kiis laga xaqiijiyay

Maamulka Jaamacadda Nairobi (UoN) ayaa xaqiijiyay in 14 ka mid shaqaalaha iyo dadka ku tiirsan jaaamacadda in laga helay cudurka Covid_19.
Maamule ku xigeenka Jaamacadda Nairobi Prof. Stephen Kiama, oo warbixin ku daabacay bartiisa baraha bulshada ay kuwada xiriirto ayaa dhanka kale sheegay in seddex xubnood oo ah kuwa ugu firfircoona shaqaalaha iyo mid ka mid ah shaqaalaha howlgabka ah ay cudurka u dhinteen.
Waxaa u tacsi u diray qoysaskii ay ka baxeen shakhsiyadkaan iyo sidoo kale waxaa uu caafimaad u rajeeyay shaqaalaha cudurka hadda la jifo.
Waxaa uu dhanka kale ku booriyay dhammaan shaqaalaha iyo ardayda inay sii wadaan feejignaanta iyaga oo dhawraya tilmaamaha ay dowladdu soo saartay iyo Wasaaradda Caafimaadka ee lagu xakameenayo cudur sidaha Coronavirus.
Bishii Maarso ee sannadkan ayey ahayd markii Madaxweyne Uhuru Kenyatta uu amray in dhammaan xarumaha waxbarashada la xiro si loo yareeyo faafitaanka cudur sidaha coronavirus.
Waxaa u qorshaha yahay in bisha Sagaalaad ee sannadkan si tartiib ah dib loo furo goobaha jaamacadda balse kaddib marka ay buuxiyaan shuruudaha sida kala fogaanta hooyga ardayda,meelaha lagu cunteeyo iyo fasallada intaas ka horna ay sii adeegsadaan qaabka casharrada si online ah loogu qaadanaya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here