Jabhada ONLF oo shaacisay inay ka tanaasulin dagaalkii ay wadeen

Jabhada ONLF oo muddo dagaal kula jirtay dowladda Itoobiya ayaa shaaca ka qaaday,kadib heshiisyadii ay la galeen Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya inay weli wadaan halgankii dib u xureynta deegaannada Soomaalida.
Guddoomiyaha Ururka ONLF Maxamed Cusmaan ayaa sheegay in dhulka dowlad deegaanka Soomaalida uu yahay deegaan Soomaali leedahay,balse ay gacanta ku heyso dowladda Itoobiya,sidoo kalena uu u baahan yahay in la xurreeyo.
Mar uu la hadlayaya BBC-da ayuu sheegay in ONLF aysan weli ka tanaasulin ama ka laaban halgankii ay ku jireen ee ahaa inay xureeyaan dowlad deegaanka Soomaalida,hayeeshee kaliya ay wax ku raadinayaan xilligaan wacyigelin iyo inay Bulshada caadiga ah halkanka ka qeyb qaataan.
Hadalka Guddoomiyaha Jabhada ONLF ayaa kusoo aadaya xilli jabhadaas ay heshiis la gashay Dowladda Itoobiya,isla markaana Ciidamadoodii ay qarkood ku biireen Ciidamada Dowlad deegaanka halka qaarkoodna ay Shacabka ka mid noqdeen.
Cod

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here