Jacinda Ardern oo mar kale loo dhaariyay hoggaaminta New Zealand

Waxaa markii labaad xilka ra’iisul wasaaraha dalka New Zealand loo dhaariyay Jacinda Ardern oo doorashada ku guulaysatay.
Ardern iyo xubnaha golaheeda wasiirrada oo la magacaabay horraantii toddobaadkan ayaa isku munaasabad lagu wada dhaariyay.
Haweeneydan ayaa sheegtay in wasiirrada ay leeyihiin khibrad badan iyo hibooyin u gaarka ah sidoo kalena ay ka go’an tahay u adeegidda shacabka.
Jacinda Ardern oo 40 sano jir ah ayaa ku soo baxday doorashadii New Zealand ka dhacday 17-kii bishii hore iyadoo heshay ugu yaraan boqolkiiba 50 ee codadka la dhiibtay.
Xisbigeeda ayaa baarlamaanka New Zealand oo ka kooban 120 kuraas ku yeelanaya 65 .

 

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here