Jadwalka imitxaanada qaran ee dalka sanadkan oo la so saaray

Guddiga Qaran ee imtixaanada dalka ayaa soo saaray jadwalka imtixaannada qaranka ee sanadkaan oo ay u fadhiisan doonaan arday badan.
Ardayda u fadhiisan doonta imtixaanka dugsiga hoose ee fasalka 8-aad KCPE-da ayaa bilaabi doona imtixaanadooda bisha Oktoobar 28 iyagoona dhameyn doona 31 isla bishaasi.
Sido kale ardayda sanadkan waxbarashada dugsiga sare dhamaynaysa waxaa ay imtixaanka shahaadiga ah u fadhiisan doonaan 4 bisha November iyagoona warqada ugu dambaysa samayn doonaa 27 isla bishaais November.
Gudiga u qaabilsan ee imtixaanada dalka ee Kneck ayaa ardayda uga digay inay sameeyaan xatooyo.
Ardaygii lagu helaa falalka xatooyada ayay sheegeen in lagu ganaaxi doono xabsiga ama inuu bixiyo 2 milyan oo shillinka dalka ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here