Japan oo la filayo inay qaaddo xaaladda degdegga ee magaalada Tokyo

Caasimada Tokyo ee dalka Japan

Dowladda Japan ayaa lagu wadaa inay meesha ka saarto xaaladda degdegga ah ee horay loogu soo rogay caasimadda dalkaas ee Tokyo iyo afar deegaan oo kale.
Hasa ahaate waxaa weli deegaannadan ka jiro xayiraad dhanka isku socodka ah oo lagu xakameynayo faafitaanka caabuqa coronavirus.
Dowladda wadankaas ayaa la filayaa inay la taliyaasha dhanka caafimaadka ay talasiin ka hesho ka hor inta aynan go’aankii hore wax ka beddelin.
Sido kale ra’iisul wasaaraha Japan Mr. Shinzo Abe ayaa lagu wadaa inuu shir jaraaid qabto 6-da maqribnimo ee saacadda dalkaas.
Guddoomiyaha magaalada Tokyo Yuriko Koike ayaa sheegay in dib loo furayo maktabadaha, maqaayadaha iyo matxafyada halka goobaha aflaanta lagu dhigo ama laga daawado dib laga furi doono.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here