Japan oo sheegtay inaan loo baahneyn xaalad degdeg oo wadankaas uu galo

Dowladda Japan ayaa maanta shaaca ka qaadday inaynan waqti xaadirkan jirin baahi keeni karto in dalkaas looga dhawaaqo xaalad degdeg ah.
Tani ayaa ku soo aadaysa hal maalin un kaddib markii ra’iisul wasaare Shinzo Abe uu cudurka Coronavirus ku tilmaamay dhibaato qaran oo aad u weyn.
Hasa ahaate afhayeen u hadlay dowladda oo lagu magacaabo Yoshihide Suga ayaa shir jaraaid ka sheegay inaan weli la gaarin heer uu wadanka geli karo xaalad degdeg ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here