Japan oo xoojinaysa dadaallada ka dhanka ah Coronavirus

Dowladda dalka Japan ayaa wacad ku martay inay sare u qaadi doonto baaritaanada iyo dadaalada lagu xakameynayo inuu sii fido caabuqa Coronavirus ee ka soo billowday Shiinaha.
Arrintan ayaa timid kaddib markii gudaha Japan laga soo tabiyay hal kiis oo dhimasho mid kalena la xaqiijiyay.
Wasaaradda caafimaadka ee Japan ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in qofka u dhintay Coronavirus ay ahayd haweeney 80 iyo dhow sano jir ah oo ku noolayd galbeedka magaalada Tokyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here