Japan oo xoojisay awoodda Kenya ee baaritaanada COVID19

Dowladda dalka Japan ayaa Kenya ugu deeqday 500 xabbo oo ah qalabka lagu baaro cudurka COVID19.
Waxaa deeqdan bixisay wakaaladda caalamiga ee Japan ee (JICA) waxaana lagu wareejiyay machadka sameeya cilmi baarista dhanka caafimaadka ee (KEMRI).
Xoghayaha sare ee wasaaradda caafimaadka ee dalka u qaabilsan dhanka maamulka Dr .Rashid Aman oo deeqdan guddoomay ayaa kaga mahadceliyay dowladda Japan oo uu sheegay inay si joogto ah Kenya u garab istaagtay.
Waxaa uu sheegay in agabkan uu machadka KEMRI u suurtagalin doono inuu sameeyo baaritaano dhan 50,000 oo la xiriira coronavirus.

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here