Jarmalka oo laga xaqiijiyay 159 xaalado coronavirus oo dheeraad ah

Machadka dabagalka ku sameeya cudurada faafo ee RKI ayaa sheegay in gudaha wadanka Jarmalka laga diiwaangeliyay kiisas dheeraad oo COVID19 ah oo ah 159 .
Tani ayaa tirada guud ee xaaladaha halkaas laga xaqiijiyay ka dhigaysa 198,963.
Hal qof oo kale ayaa Jarmalka cudurka ugu dhintay waxayna dhimashada guud hadda tahay 9,064.
Hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO ayaa sheegtay in 24 saac gudahood dunida oo dhan laga xaqiijiyay 230,370 oo ah kiisaska fayraska corona.
Xaaladaha ugu badan ayaa laga diiwaangeliyay wadamada Maraykanka, Brazil, India iyo Koonfur Afrika .
Kiisaska coronavirus ee caalamka ayaa hadda ah ku dhawaad 13 milyan halka in ka badan 565,000 qof ay u dhinteen toddobo bilood gudahood.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here